Sawirro: Waddooyin cusub oo laga dhisayo Magaalada Gaalkacyo

Injineerada Shirkadda Kebarco ayaa cabiray wadooyin ku yaalla Garsoor, Buulabaclay iyo Suuqa wayn, kuwaas oo laga dhisayo mashruuca Hay’adda SSF ee Nabaddeynta Puntland iyo Galmudug.

Injineerada Shirkadda ayaa Cabirka kaddib, sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabayo dhismaha Waddooyinkan Cusub, kuwaas qeyb ka noqonaya Hormarinta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay xaaladeeda amni wanaagsaneyd ayaa waxaa ka socda Mashaariic Hormarineed, kuwaas oo sare loogu qaadayo Dhaqaalaha iyo Bilicda Magaalada.