Video:-Kenya oo markii ugu horaysay dhoofinaysa Shidaal

Tallaabadan oo uu goob joog ka ahaa mMadaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ahayd mid lagu tijaabinayo ganacsiga dhoofinta shidaalka ee ay Kenya dooneyso inay si rasmi ah u billowdo sanadka 2024-ka.

Shirkad laga leeyahay Shiinaha, oo uu fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa ku guuleystay qandaraaskan, waxaana maanta la dhoofiyay shidaal dhan 240,000 barmiil.

Xukumadda Nairobi ayaa fileysa inay labada sano ee soo socota shidaalkan ka hesho lacag dhan $84 malyan oo doolar.

Waxaa la qiyaasay in keydka shidaalka ee Kenya ku jira uu gaarayo ilaa 560 malyan o barmiil.

Khubarada ayaa sheegaya in marka la gaaro sanadka 2022-ka uu waddanka Kenya maalin walba soo saari karo shidaal xaddigiisu dhan yahay 100,000 oo barmiil.

Mashruucan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo Kenya u horseedi kara dhaqaale fara badan, balse xaddiga shidaalka ee uu dhoofinayo waddankan ku yaalla Bariga Afrika ayaa aad u yar marka la barbar dhigo waddamada saliidda qaniga ku ah,hoos ka daawo muuqaalka.


Halkan ka daawo muuqaalka