VIDEO: Madaxweyne Lafta-gareen oo la kulmay Saraakiisha Ammaanka Koonfur Galbeed (Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, ayaa kulan looga hadlayey xoojinta Ammaanka iyo ka hortagida falalka lidiga ku ah Amaanka Koonfur Galbeed, la qaatay Sarakiisha Ciidanka Booliska Qeybahooda Kala Duwan.

Kulanka ayaa inta uu Socday waxaa looga hadlay  sidii la isku dhaafsan lahaa Fikrado lagu xoojin karo Ammaanka iyo sidii Bulshada looga Badbaadin lahaa Dadka Caadeystay Daadin Dhiiga Shacabka Somaliyeed,sida lagu yiri War kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Sarakiisha Ciidanka qeybahooda kala Duwan ayaa so Jeediyey Fikrado muhiim ah oo looga hortagi karo falalka ay geystaan  Al-Shabaab ay kula Kacaan Dadka Shacabka iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa u mahadceliyey Saraakiisha Ciidanka Booliska Kaalinta Wanaagsan ee ay ka Qaateen Sugida Amaanka Degmada Baydhabo iyo Sida Har iyo Habeen ay ugu Taaganyihiin Sidii ay u badbaadin lahayeen Shacabkooda.

Dhanka kale, Madaxweyne Lafta Gareen ayaa Saraakiisha ku Bogaadiyey inay sii laba jibaaran Sidii looga Shaqayn lahaa Sugida Ammaanka Guud ee deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed.