Video:-Maraykanka iyo Shiinaha oo iskaga soo dhawaanaya dagaalkoodii ganacsi

Madaxweyne Donald Trump ayaa Isniinta maanta ah sheegay in wada-xaajoodayaasha ganacsi ee Mareykanka iyo Shiinaha ay dhowaan dib u billaabi doonaan wada-hadalladooda, taasi oo uu ku qeexay tallaabo horey loogu qadaay dhameynta dagaalka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal.

“Shiinaha xalay ayey soo wactameen….waxay yiraahdeen aan ku laabanno miiska wada-hadalka, sidaas darteed miiska wada-hadalka ayaan dib ugu laaban doonnaa” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha isaga oo ku sugan shirka G7 ee ka dhacaya magaalada Biarritz ee France.

Trump ayaa sheegay in saraakiisha Shiineeska ay “sameeyeen laba wicitaan oo aad u wanaagsan”, islamarkaana “ay doonayaan in heshiis la gaaro.”

Trump ayaa jimcihii sare u qaaday canshuurta saaran badeecadaha Mareykanka uga yimaada Shiinaha, kadib markii Shiinaha ay kordhiyeen canshuurta badeecadaha Mareykanka.

Mareykanka ayaa isku dayaya inuu Shiinaha ku qasbo is-beddelo ay ku sameyso habkeeda ganacsi, oo ay ka mid tahay dhameynta dhaqamo socday sanado, oo ay ku jiraan xatooyada hantida maskaxeed ee Mareykanka, taasi oo shirkadaha Mareykanka ay sheegeen inay ka hortageyso tartan siman.

Si kastaba, xulufada Mareykanka ayaa intii uu socday shirka G7 cadaadiyey Trump, ayaga oo sheegay in dagaalka ganacsi uu halis ku yahay dhaqaalaha dunida,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka