Ahlu-sunna oo is hor-taagtay Ciidan AMISOM katirsan oo ku wajahan Degaanadooda

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa Ciidanka Ahlu-sunna ay is hor-taageen Kolonyo katirsan Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti laga celiyay degmo ka tirsanaa Gobolkaas.

Ciidamo katirsan Ahlu-sunna ayaa la sheegay in Kolonyada ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo ka soo baxay Magaalada Baladweyne ay ku celiyeen deegaan lagu magacaabo Janta Guundisho oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Ciidanka Jabuuti ayaa doonayay inay guhaha soo galaan Degmada matabaan ee isla gobolkaas,hayeeshee lagu sameeyay is hor istaag,waxaana haatan ay ku sugan yihiin deegaanka Janta Guundisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan deegaanka Janta Guundisho ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhexeysa Ahlsunna iyo Ciidankii Jabuuti  ee kasoo baxay Baladweyne.

Sidoo kale, Ahlusunna Waljameeca ayaa la tilmaamay in Ciidamo badan ay geysay Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa degmada Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Xiisad u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Ururka Ahlu-sunna ayaa ka taagan degaanada ay maamusho Kooxdan, kaddib markii Dowladda Federaalku ay sheegeen inay ugu baxday heshiis ay gaareen.