Barre Hiiraale oo ku baaqay in la taageero Kooxda Al-Shabaab

Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya, ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihiin amniga, dagaal lagula jira Al-Shabaab iyo dhibaatada Ciidamada Kenya ka geystaan dalka.

Gen. Barre Hiiraale oo wareysi siinayay Idaacadaha Maxaliga ah, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xiligan gacan la siiyo Al-Shabaab, si loola dagaalamo Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya.

Sidoo kale, Barre Hiiraale ayaa shacabka ka dalbaday in ay taageero u muujiyaan Al-Shabaab, Isagoona arintan sabab uga dhigay in dowlada Kenya ay duulaan ku tahay  dalka soomaaliya, awooda jabin kartana ay tahay in Maleeshiyaadka Al-shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii, Gen. Barre Hiiraale ayaa sheegay in gacmo shisheeye ay faraha kula jiraan Arrimaha soomaaliya, islamrkaana ay dhib badan ku hayaan qaranimada ummada soomaaliyeed .