DFS oo ciidamo iyo Hub culus geysay Magaalada Dhuusa-mareeb

Diyaarado sida Ciidamo, Hub iyo Gaadiidka Gaashaman ayaa saaka ka degay Magaalada Dhuusa-mareeb, sida ay sheegayaan Wararka laga helayo Magaaladaas.

Diyaaradahaas oo gaaraya ilaa Shan ayaa sida la sheegay waxa sidaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Saanad Ciidan, iyada oo Ciidamadaas ay dirtay Dowladda federaalka Soomaaliya oo ku howlan dhismaha Maamulka Galmudug.

Maalmo kahor ayay aheyd markii Magaalada Dhuusamareeb ay tageen diyaarado hub iyo ciidan siday, kuwaas oo la wareegay garoonka Diyaaradaha, Madaxtooyada iyo xarunta la filayo in uu ka qabsoomo Shirka dib u heshiisiinta  ee Magalada Dhuusamareeb.

Dowladda Federaalka iyo Ururka Ahlu-sunna ayaa isku khilaafay dhismaha Maamulka Galmudug, kaddib markii Ahlu-sunna ay ku eedeysay DFS inay uga baxday heshiis ay wada-gaareen.

Ciidamada katirsan kuwa Dowladda Federaalka ee saakay la geeyay Magaalada Dhuusamareeb oo ah qeybtii labaad, ayaa daba socda xilli shalay Magaalada Dhuusamareeb laga soo qaaday Ciidamo ka tirsanaa Booliska Ahlu-sunna, kuwaas oo la sheegay in Muqdisho tababar lagu siinayo.