Howlgallo culus oo laga sameeyay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyay Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Howlgalka ayaa Ciidamada sigaar ah uga sameeyeen xaafadda Carafaad oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid, waxaana lagu qabtay intii uu socday dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo looga shakiyay falal amni darro.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkaas lagu qabtay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab xili uu ku sugnaa Guri ku yaalla Wadada dayactirka ee Degmada Yaaqshiid.

Ciidanka ayaa dadkii qabteen ay isugu geeyay meel barxad ah, waxaana la tilmaamay in qaarkood ay horey usii wateen, in kastoo weli wax war laamaha amniga dowladda ay soo saarin.