VIDEO: Guddoomiye Dhoobo-daareed “Puntland waxaa ka go’an dhameystirka Dastuurka Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed, ayaa Sheegay in Dowladda Puntland ay gacan buuxda ka geysanayso Dhameystirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Dhoobo-daareed ayaa tilmaamay in Puntland ay horey iyo hada Hormuud u aheyd Dowladnimada Soomaaliya, haatana aysan ka tanaasulin taas.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland ayaa hadalkan ka jeediyay Shirweynaha Afraad ee dib u eegista Dastuurka Soomaaliya oo shalay ka furmay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.