VIDEO: Shirweynaha 4-aad ee dib u eegista Dastuurka oo ka socda Garoowe

Shirweynaha Afraad ee dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maalintii labaad ka socda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Gudiyada la socodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Shirweynahan oo shalay furmay ayaa inta uu socdo looga arrinsanayaa Dhameystirka Dastuurka, waxaana si gaar ah looga doodi doonaa warbixinta soo jeedinta wax ka beddelka cutubyada 10aad ilaa 15aad oo ay dib u eegis ku soo sameeyeen labada Guddi ee heer Federaal.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed, ayaa Sheegay in Dowladda Puntland ay gacan buuxda ka geysanayso Dhameystirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya.