Wasiir Dhabancad oo la kulmay Madax ka socoata Hay’adda Max Plunck Foundation (Sawirro)

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha federalka, iyo Dimuquraadiyeynta Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, ayaa kula kulmay Xafiiskiisa Madax ka socoata Hay’adda Max Plunck Foundation oo Hay’add Jarmal Ah,

Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa hanaan ka geedi socodka federalaynta dalka, dhamaystirka dastuur ka qabyo qoraalka ah iyo sidii Puntland qayb wayn uga qaadan lahayd dhismaha dowladnimada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka iyo Madaxa hay’dda ayaa kala saxiixday is afgarad wada shaqayneed (MOU) oo ku saabsan hawlaha ee hay’addu kala shaqaynayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo dimuquraadiyeynta Puntland.