Xuska aas-aaskii Jabhadda ONLF oo lagu qabtay Kismaayo (Daawo Sawirro)

Boqolaal kamid ah Shacabka Soomaalida Ogadenia ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, ayaa u dabaaldagay aas-aaskii Jabhadda Xoreynta Ogadenia oo laga joogo muddo 35 Sano ah.

Munaasabad ka dhacday hoolka wayn ee Daawad ayaa waxaa kasoo qayb-galay Mas,uuliyiin ka socotay Ururka gobonimo doonka ONLF oo uu ugu horeeyo Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), Xildhibaano ka socday Dowlad Goboleedka Jubbaland, Odayaasha dhaqanka iyo Marti sharaf kale.

Dadkii goobta ka hadlaya ayaa ku dheeraaday Taariikhdii uu soo maray halganka Ogadenia iyo dhibaatadii ay shacabku kala kulmeen gumeystaha.

Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), oo ka mid ah xubnaha sar sare ee ONLF oo goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday Isbadalka ka hana qaaday geeska Afrika gaar ahaan gayiga Soomaalida waxa uuna sheegay in haatan ay Jabhadu qalin iyo wada hadal ku raadin doonto gobonimada Ogadenia balse aysan marna ka tanaasuleynin qadiyadda ay mudada dheer u soo halgamayeen.

Qalbi Dhagax ayaa Shacbiga Soomaali Galbeed ugu baaqay in ay cafiyaan walaalaha kale ee Soomaaliyeed maadaama xafladdii sanadguurada ONLF ee sanadkaan lagu qabtay deegaano badan oo ay ka mid tahay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dhan kale, waxa uu sheegay in ONLF ay la socoto xaaladaha ka jira gayiga Soomaalida mararna badana ay ka soo saartay warbixino ay ku boorineyso midnimada umadda Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay ilaaliso nidaamka Federaalka iyo hanaanka dowlad goboleedyada maadaama laga baxay xilligii dowladii KMG-ka oo loo gudbey dowlad Federaal ah oo caalamka laga aqoonsanyahay.