Addis Ababa: Maxaa kasoo baxay Shirkii Madaxweyne DENI, GAAS, CAMEY & Siyaasiyiinta Galmudug ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo labo maalin kahor gaaray Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya ayaa soo gaba-gabeeyay kulamo xasaasi ah oo uu halkaas kula lahaa Madaxdii ka horeysay ee Dowladda Puntland iyo Siyaasiyiinta Degaanada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne Deni ayaa kulan dheer oo saacado qaatay shalay la yeeshay Madaxweynihii xilka ku wareejiyay bilo kahor ee Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, kaas oo ay ka wada-hadlayeen Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya, Hab-dhaqanka Xukuumadda Federaalka ee fadhida Xamar iyo sidii Puntland ay u xoojin laheyd Doorkeeda arrimaha Siyaasadda gudaha iyo Dibedda.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa ku biiray Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Eng. C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Camey, haatana ah Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya iyo Wasiiro Siyaasiyiin reer Puntland ah oo xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Dowladda Federaalka, iyadoona si weyn loogu gorfeeyay xoojinta doorka Puntland ee Is-bedelada haatan socda.

Madaxweyne Deni iyo Hoggaamiyaashii hore ee Siyaasadda Puntland ayaa isla gaaray in qolo walba doorkeeda ay ka ciyaarto sidii Puntland ay u sii daadihin laheyd Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Iyagoona sidoo kale isla gaaray inay muhiim tahay in Puntland ay aragti mideysan iyo Musharax kaliya ku wajahdo Doorashada Soomaaliya.

Dhanka kale, Hoggaamiyaasha Siyaasadda Puntland ayaa kula kulmay Addis Ababa Siyaasiyiin ka socda Degaanada Galmudug, kuwaas oo ay ka wada-hadleen sidii loo soo afjari lahaa khilaafka Ragaadiyay Maamulka Galmudug, loogana saari lahaa meesha saameynta siyaasadeed ee Maamulkaas ay dooneyso inay ku yeelato Xukuumadda Federaalka ee fadhigeedu yahay Xamar.

Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu u sii gudbo maalinada berrito ah Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulmi doono Siyaasiyiinta Reer Puntland ee xilalka sare horey uga soo qabtay Puntland iyo Dowladda Federaalka, isagoona uga sii gudbi doona Imaaraadka Carabta.