Akhriso: War-murtiyeed laga soo saaray Shirweynihii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka (VIDEO)

Shirweynihii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa lagu soo geba-gebeeyey Magaalada Garowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Shirweynahan oo ka wada qeyb-galeen Guddiga la Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid), Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka, Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana laga soo saaray Qodobbo muhiim ah

Shirweynihii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, ayaa socday muddo seddex maalmood ah ee lasoo dhaafay, iyadoo looga tashanayay cutubyada 10-aad ilaa 15-aad oo ay soo diyaariyeen guddiyada Dastuurka heer Federaal.