Jubbaland oo xayiraadii ka qaaday DF Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa maanta qaaday xayiraadii saarneyd Mas’uuliyiinta Xukuumadda Soomaaliya, intii lagu guda jiray doorashada Jubbaland.

Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa laga soo saaray in la qaado xayiraada la saaray Mas’uuliyiinta Xukuumadda ee ku aadanaa in aanay Magaalada Kismaayo imaan karin mudadii ay socotay doorashada.

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa si aad ah u adkeeyay ammaanka guud ee Kismaayo, waxaana mudadii ay socotay doorashada la joojiyay isu socodka badda, cirka iyo dhulka oo magaalada laga xiray.

Khilaafka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa sabab u noqday inuu hakad ku yimaado wada shaqeyntii labada dhinac, taasoo keentay in laga mamnuuco Kismaayo Mas’uuliyiinta Xukuumadda Federaalka.