Shir Madaxeedka 7-aad ee TICAD oo ka furmay Yokohama

Shir Madaxeedka 7-aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD), ayaa ka furmay Magalada Yokohama ee dalka Japan, waxaana shirkaan ka qeyb-gelaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Agaasimaha Madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo la-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Balal Maxamed Cusmaan, ayaa shirkan ku matalaya Soomaaliya.

Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 28-ka ilaa 30-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynaha ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Yokohama ee marti-gelinaysa shirka waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galaysa shirkaas