VIDEO: Banaan-baxyo Labo dhinac ah oo ka dhacay Dhuusa-mareeb

Banaan-baxyo iska soo horjeedo oo ay dhigayeen qeybaha kala dwuan ee bulsahda ku nool Magaalada Dhuusamareeb, ayaa maanta ka dhacay Magaalaas.

Banaanbayaasha ayaa u kala qeybsanaa kuwa taageeraya howlaha ay Dowladda Federaalka ka wado deegaannada Dhuusa-mareeb iyo kuwa kasoo horjeeda, isla markaana taagersan Ahlu-sunna Wal-Jamaaca,iyaga oo watay Boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo kala duwan oo iska soo horjeeda.

Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala eryeen dadka banaanbaxa dhigayay oo qaarkood ku dhawaaday inay rabshado sameeyeen, maadaama ay ku wada sugan yihiin Magaalo yar.

Banaanbaxyadaan iska soo horjeeday ee Maanta ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo aadaya xilli shalay Ahlusunna ay sheegtay in uu burburay heshiiskii ay la galeen Dowladda Federaalka, halka Dowladduna ay sheegtay in dhankeeda aysan fulin weyn qodobadii lagu heshiiyay.