Xaaf oo si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Hobyo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, iyo xubno la socda ayaa socdaal aan horay loo sii shaacin ku tagay Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hobyo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada Hobyo, Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin kuwa ka qeyb galayay shirka ka socda Magalada Hobyo.

Xaaf ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo waxa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo, waxaana uu inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan bulshada.

Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa sida la sheegay waxaa uu u tegay Hobyo ka qeyb-galka shirka ay Magaladaas ku leeyiiin mid ka mid ah Beelaha dega deegaannada Galmudug shirkaas oo la filayo in dhawaan la soo geba-gabeeyo.