VIDEO: Ku-xigeenkii C/rashiid Xidig oo ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay fikirkiisii

Cabdiqaadir Cabdi Sharaay oo ka mid ahaa kooxaha Mucaaradsan nidaamka Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo meel fagaare ah kula hadlay boqolaal ka mid ah shacabka Jubbaland, ayaa sheegay inuu ka tanaasulay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo ay u caleema-saareen kooxaha Mucaaradka ah.

Cabdiqaadir Cabdi Shareeye ayaa sheegay in uu u tanaasulay danta iyo midnimada shacabka isagoona ku baaqay in laga wada shaqeeyo xasiloonida Jubbaland.

Ugu dambeyntii, Mr. Shareeye ayaa ku amaanay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, sida dulqaadka iyo mas’uuliyadda leh ee uu uga saaray Jubbaland xaaladihii adkaa ee ay soo martay.