Ciidanka AMISOM oo gaaray Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel

Wararka ka imaanaya degaanada Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika AMISOM ay gaareen Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Ciidankaan ayaa u jeedkoodu yahay in ay si buuxda ula wareegaan Ammaanka garoonka Diyaaraddaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, islamarkaana ay caawiyaan Ciidanka dowladda ee Dhuusamareeb la geeyay.

Ciidankaan ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan, waxaana ay ku hakadeen maanta Matabaan, halkaasoo ay ka baxeen galabta Xilli dambe.

Ciidanka AMISOM ee gaaray degaanada Galmudug ayaa isugu jira Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan, waxaana talaabadan ay kusoo aadaysa, Iyadoo maanta Dhuusamareeb uu gaaray Taliyaha Guud Ciidanka AMISOM kaas oo la kulmay Madaxda Kooxda Ahlu-sunna.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muuqata inay la wareegta guud ahan ammaanka Dhuusamareeb, taas oo dadka Soomaaliyeed ay ka muujinayaan walaac, maadama Dowladdu ay ku fashilantay ammaanka Muqdisho.