Wasiiradii ugu badnaa ee Puntland oo gaaray Gobalka Sanaag (Daawo Sawirro)

Wefti balaaran oo ka kooban 10 wasiir, wasiir ku xigeeno, Xildhibaano, Agaasimayaal, siyaasyin, Shaqaale iyo aqooon yahan oo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderaalka iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland Maxamed C/raxman Dhabancad ayaa gaaray Degmada Baran ee xarunta Gobalka Sanaag,

Weftiga ayaa ka kooban Wasiirka Amniga, Wasiirka Caafimadka, Wasiirka duulista Hawada iyo Garoomada , Wasiiru Dowlaha Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Shaqada, Shaqalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaha iyo Duulista Hawada iyo Garoomada, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaha Warfaafinta, Agaasimaha Waaxda Dimuquradiyeynta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Xildhibaano iyo Shaqaale katirsan Dowladda Puntland.

Ujeedka Safarka Wasiirada ayaa ku saabsan u kuur-galida iyo kormeerida Xaalaada Gobalka Sanaag iyo dhisida Golaha Degaanka ee degmada Baran,

Weftiga ayaa waxaa magalaada meel dhowr kiilo mitir u jirta waxa kusoo dhaweyey Gudoomiyaha Gobalka Sanaag, Gudoomiyaha Degmada Baran, Saraakill Ciidan, iyo Waxgarad.