Buundada Garoowe oo dhisme cusub lagu soo kordhiyay (Daawo Sawirro)

Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa saaka bilowday dhameystirka qeybo ka banaanaa Buundada Garoowe, kaas oo walaac ku hayay Bulshada ku dhaqan Caasimadda.

Dhismaha ay saaka bilowday Dowladda Hoose ee Caasimadda, ayaa ahaa qeybo ka banaanaa tiirarka saree e ku yaalla Buundada, waxaana dhowaanahan socday saameynta Shubabka, oo loo naqshadeynayo qaabka hore ee inta kale loo waxeeyay.

Duqa Caasimadda Puntland Axmed Siciid Muuse (Barre), ayaa bartiisa Faceboo kusoo qoray “Saaka Waxaynu bilownay Buuxinta Goobihi ay ka banaaneyd Buundada Caasimada, waxaana u mahadcelin shirkadda dhismaha ee Albashid Construction Company – ACC oo Shaqadan si iskaa wax u qabso ah u fulineysa”

“Hadeynu is kaashanno hubaal wax badan ayaan wada jir u qaban karnaa kaasi oo noqda mid loo aayo” ayuu intaas ku daray Duqa Degmada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland

Dhameystirka Dhismaha qeybaha ka banaan Buundada Garoowe, ayaa qeyb ka ah olale balaaran oo ay hormuud u tahay Dowladda Hoose ee Caasimadda, kaas oo la doonayo in dib u dayactir lagu sameeyo Guud ahaan Buundada weyn ee Caasimadda oo sanado badan aan dayactir buuxa helin.