Ciidan cusub oo katirsan AMISOM oo Goor-dhow gaaray Dhuusa-mareeb (Sawirro)

Kolanyo cusub oo katirsan Ciidanka AMISOM ayaa Goor-dhaweyd gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.

Ciidanka cusub ee gaaray Dhuusa-mareeb ayaa la sheegay inay yihiin Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM, kuwaas oo kasoo baxay saldhigyo ay ku lahaayeen Degaano katirsan Gobalka Hiiraan.

Saraakiil katirsan Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa ku soo dhaweeyay Ciidanka oo wata gaadiidka dagaalka iyo kuwa gaashaman banaan Dhuusa-mareeb, iyadoona loo galbiyay gudaha Magaalada.

Ciidankan cusub ee saaka gaaray Dhuusa-mareeb ayaa ku biiraya Ciidan katirsan Howlgalka AMISOM, kuwaas oo shalay gaaray Dhuusa-mareeb.