VIDEO: Axmed Karaash oo daah-furay Ololaha Taageeridda Daaweynta Xoolaha Puntland (Sawirro)

ku simaha Madaxweynaha dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Ololaha Taageeridda Daaweynta Xoolaha Puntland, kaasoo la gaarsiin doono 3 Malyan oo kamid ah xoolaha ku dhaqan 9 gobol ee Puntland.

Munaasabadda daah-furka waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinyay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dowladda Puntland Siciid Cisman Aadan (Fiisigis), Shaqalaha Wasaaradda Dhakhaatiirta xoolaha soo daaweyndoona iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweyne ku-xageenka dowladda Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu saaka anba bixiyo dhaqaatiir soo daaweyndoona 3 Malyan oo kamida Xoolaha Puntland, waxa uu sheegay in xooluhu ay yihiin laf dhabarta dhaqaale ee dalka, isla markaana ay inoo leeyihiin faa’idooyin badan, sidaas darteena loo baahan yahay in laga warqabo Xoolaha Caafimaadkoda.

Ugu danbayn, ku simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa neefkii ugu horeeyay Tallaalka siiyay, dhaqaatiirta ayuu kula dar-daarmay inay xil iska saaaran howsha loo igmaday,waxaana uu bogaadiyay Wasasaradda Xanaanada Xoolaha dowladda Puntland oo qorshahaan soo diyaarisay, isgoo tilmaamay inuu rajjo wanaagsan ka qabo inuu guul ku soo dhammaado,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka