Wasiirkii amniga Jubbaland oo lagu xiray Muqdisho

Wasiirka Amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa la xaqiijiyay in lagu xiray Garoonka diyaaraddaha ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir Janan ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa degmada Dolow ee gobolka Gedo, halkaasi oo kulamo kala duwan ka waday.

Ilo ka tirsan Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Wasiirka lagu xiray Saldhig ku yaalla Gudaha Garoonka Muqdisho, islamarkaana la qabtay xilli uu Transit ku ahaa Garoonka Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay tageen garoonka, islamarkaana halkaasi ay ka jirto dhaqdhaqaaq ka dhashay xariga Wasiirka.

Wixii Kasoo kordha kala soco Idil News