India oo Qunsiliyad ka furatay Puntland & Viisaheeda oo laga qaadanayo Garoowe (Akhriso)

Dawladda India ayaa shaacisay in Qunsuliyad ay ka furatay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, iyadoona ay ka qaadan doonaan Shacabka Soomaaliyeed Visaha India.

Waraaq kasoo baxday Safaarada India ee Nairobi ayaa lagu shaaciyay in Qusuliyad ay ka furatay Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, waxaana intaas ay ku dartay in Viisaha laga dalban karro wixii ka dambeeya 8 Sept 2019.

Dadka Soomaaliyeed ayaa caafimaad iyo Waxbarasho u aada Dalka India, waxaana ay haatan Viisaha oo ay u doonan jireen dalalka dariska ah ay haatan ka qaadan doonaan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa dadaal ugu jirta sidii loo dhisi lahaa Hanaanka shaqo ee Garoomada caalamiga ah ee Puntland, kuwaas oo haatan ay ka bilowdeen Duulimaadyo caalami ah, waxaana tani ay sii xoojinaysa shaqada Garoomada.