Ra’iisulwasaare Kheyre oo ku booqday Xafiiskiisa Cumar Filish (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya asan Cali Kheyre oo maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta maamulka gobalka Banaadir, ayaa kulan la qaatay guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)

Kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaya cusub ee gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa looga hadlay horumarinta gobalka, sare u qaadidda amniga iyo bilicda caasimadda.

Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed ayaa Ra’iisul wasaaraha warbixin ka siisyay sida ay howluhu u socdaan iyo qorshayaasha uga degsan dardar-gelinta shaqooyinka horumarinta gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa guddoomiyaha u ballan qaaday in xukuumaddu maamulkiisa kala shaqeyneyso fulinta qorshayaasha horumarineed, waxaana uu faray in maamulka gobolka la yimaado qorshayaal cadcad oo lagu xaqiijinayo horumarka caasimadda dalka.