VIDEO: Nabad-doonada Beesha Cumar Maxamuud oo baaq u diray DFS

Qaar ka mid ah Nabad-doonada Beesha Cumar Maxamuud oo maanta Shira Jaraa’id ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudig ayaa cabasho u gudbiyau madaxda Dowladda Soomaaliya, maamulka gobalka Banaadir iyo odayaasha dhaqanka baaq u diray.

Nabadoonada Beesha Cumar Maxamuud ayaa sheegay in boob balaaran lagu hayo hanti uu lahaa AUN Yaasiin Nuur Xasan oo kamid ahaa Xubnihii Leegada, Baarlamaankii ugu horeeyay ee Soomaaliya iyo Ganacsade Soomaaliyeed.