VIDEO: Sidee buu ahaa maanta Jawiga garoonka diyaaradaha Kismaayo ?

Waxaa si caadi ah kusoo laabtay shaqada Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, iyadoona ay ka degayeen duulimaadyada caadiga ahaa ee gudaha iyo dibada.

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa xalay sheegtay in wax saamayn ah aanay ku yeelan doonin dadka ree Jubbaland go’aankii ay ku sheegeen inay diyaaradaha ku socda ama ka baxaya Caasimada KMG ah ee Jubbaland inay soo maraan Magaalada Muqdisho.