Cadaado: Beesha Saleebaan oo qaadacday Shirka Dhuusamareeb ka furmaya

Odayaasha & Waxgaradka Beesha Saleebaan oo kulan ku yeeshay Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in aysan ka qeyb aheyn shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee dhawaan ka furmayo Magalada Dhuusamareeb.

War-saxaafadeed kasoo baxay kulankooda ayaa ay ku cadeeyeen in aysan jirin cid ku metesha shirkaasi oo ka qeyb-galeysa kadib markii shalay ay Magaalada Dhuusamareeb tageen Odayaal & Waxgarad la sheegay inay dadka reer Cadaado ku metelayaan shirkaasi, kuwaas oo ka baxay Magalada Muqdisho.

Sidoo kale, Odayaasha dhaqanka ayaa xusay in marnaba shirkaasi ka qeyb-galeyn ilaa laga xaliyo tabashooyinka ay qabaan, isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay xalinta tabashada ay qabaan si wax walba oo jira xal looga gaaro.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay ku dhawaaqday in Maalinta arbcada ah ee todobaadkaan uu shirka ka furmayo Dhuusamareeb,isla markaana dhamaan ay Ergada wada joogaan.