Diyaarad ay la socdeen Saraakiil katirsan DFS & Itoobiya oo loo diiday Doolow

Diyaarad ay saarnaayeen saraakiil Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ka socda Dowladda Ethopia ayaa Maanta laga celiyay garoonka diyaaradaha degmadda Doolow ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiishan ay doonayeen fara-gellinta iyo kala furfurka Ciidanka Jubbaland ee Jooga Doolow, iyagoo ka faa’iidaysanaya afduubka loo geystay Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Qaar kamid ah Saarkiisha Ciidanka Jubbaland ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay joojiyeen ilaa dhawr safar oo ay Degmooyinka Luuq iyo Doolow ku imaan lahaayeen Masuuliyiin ka tirsan DFS.

Heegan Buuxa ayaa la geliyay guud ahaan Ciidanka Jubbaland ee ku sugan degmooyinka Gobolka Gedo, waxaana la adkeeyay ammaanka Degaanadaas, xilli ay ka socdaan dibad baxyo looga soo hor-jeedo Dowladda Federaalka iyo afduubkii Wasiir Janan.