Guddiga KMG ah ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka oo la kulmay Lafta-gareen (Sawirro)

Guddiga KMG ah ee diyaarinta Sharciga doorashooyinka dalka oo safar ku jooga Magalada baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ay xalay kulan la qaateen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed iyo Xildhibaannada Maamulkaas.

Kulanka ayaa waxa uu ahaa mid ay uga wadatashanayeen diyaarinta Sharciga doorashooyinka, iyada oo guddiga shalay markii ay halkaasi tageen ay la kulmeen gudodomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee diyaarinta Sharciga doorashooyinka Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in dhamaan Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed & Ururada Bulshada rayidka ah ay la kulmi doonaan.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dhawaan ay booqan doonaan dhamaan Xarumaha Maamul Goboleedyada dalka ka jira si ay wadatashiyo kala duwanm ugala yeeshaan Madaxda Maamulada diyaarinta Sharciga doorashooyinka dalka.