Kenya oo dacwad ka gudbisay Madaxweynaha Maxkamadda ICJ (Akhriso)

Dowladda Kenya ayaa dacwad ka gudbisay Guddoomiyaha Maxkamadda ICJ Cabdulqawi Axmed Yuusuf, oo ah muwaadin Soomaaliyeed, iyadoo ku doodeysa in aanu qeyb ka noqon kiiska dacwada Badda ee taala Maxkamadda.

Warqad uu qoray Guddoomiyaha Mdasha Pan Africa David Matsanga ayuu ku sheegay in Garsoore Cabdulqawi aanu sharci ahana ku habooneyn Kiiska Maxkamadda ka bilaaban doona 9-ka bisha September.

Mr Matsanga ayaa ku doodaya in aanu dhex dhexaad ka noqon karin kiiskan, isla markaana uu Kiiska Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeya uu meelo kale uga hadlay.

“Natiijo aan dhex-dhexaad ahayn oo eex ah ayaa kiiska ka dhalan doonta, dan ayaan ka leenahay kiiska maadaama ay ku lug leeyihiin dalal u dhashay Bariga iyo Geeska Afrika” ayuu Matsanga ku sheegay qoraalka uu maxkamada geeyay.

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri “Mudaawinka Soomaaliyeed qalbigiisu Soomaalida ayuu u dhowyahay” ayuu yiri waxaana uu hadalkiisa ku sii daray in uu Cabdul Qawi meel ka baxsan Maxkadda uu uga hadlay arrinta badda taasi oo aan loo ogoleen garoosrayaasha.