Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Sagootiyey Madaxii Hore Ee Xafiiska Hay’adda UNDP (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta sagootin ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe Madaxii hore ee xafiiska hay’adda UNDP Puntland Mr. Sayed Sahibzada.

Kulanka sagootinta ah ayaa waxaa Ku-simaha Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi Yaasiin Mire Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Xuseen Cabdi Jaamac, La-taliye Sare oo ka tirsan Wasaaradda Qorshaynta iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa kulankani saraakiil ka tirsan xafiiska hay’adda UNDP Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa ka warbixiyey kulankani sagootinta ah iyo doorkii uu qaatay Madaxii hore ee hay’adda UNDP Puntland Mr. Sayed Sahibzada intuu uu xafiiska joogey.

“Kulankani waxa uu ahaa kulan aan ku sagootinayney Mr. Sayed Sahibzada Madaxii hay’adda UNDP Puntland shantii sano ee lasoo dhaafay, Sayed runtii waxa uu ahaa nin Wasaaradaha Dowladda aad ula soo shaqeeeyey, dadka reer Puntland-na ay aad u yaqaaniin, qayb lixadle ayuu ka qaatay qorshihii horumarinta shanti hore ee lasoo dhaafay, kan hadda socdana kulahaa door wanaagsan”.

“Siyed waa walaal fiican oo u qalma in sagootin loo sameeyo, hadda waxaa shaqo kale looga dhiibay wadanka Syria, Waxaa sagootintan u sameeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo anaga oo qayb ka ahayn, waxaan u rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Mr. Sayed Sahibzada.