Maxaa looga hadlay kulankii Wasiir Cawad iyo Safiirka QM ? (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa  kula kulmay Muqdisho Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey si loogu adeego Soomaalida, waxa kale oo ay isla fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo nabadgelyada dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu markale ku celiyay taageerrada dalkiisu u haayo dadaallada Wakiilka Gaarka ah iyo qorshaha howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.