Taleex: Puntland oo gadanaysa dhismayaal gacanta ugu jira Ganacsato

Xukuumaddda Puntland ayaa balan-qaaday inay la wareegi doonto dhismayaal ku yaal degmada Taleex ee gobolka Sool si ay ugu qabato adeegyada bulshada degmadaasi iyo deegaamada hoos yimaada.

Dhismayaasha Dowladda Hoose, Saldhigga Magaalada iyo xarumo kale oo ay dhaqaalohooda ku dhiseen ganacsato u dhalatay deegaanka oo balan-qaad ka haystay Maamulka Somaliland ayaa waxa ay Puntland u heshay fursad ay kula wareegto, kadib markii maamulka Somaliland ka baxay balan-qaadkii hore.

Duqa degmada Taleex Iimaan Cali Shire ayaa sheegay in xarumahaasi ay dhiseen ganacsato reer Taleex ah kadib markii Maamulka Somaliland uu u balan-qaaday inuu lacagta kaga baxda siin doono haseyeeshee uu uga baxay.

Guddoomiye Iimaan ayaa sheegay in Puntland ay hadda u soo jeensatey degmada Taleex ayna ganacsatadu soo dhoweeyeen in lacagtii kaga baxday ay ka qaataan xukuumadda Puntland ayna noqdaan goobo loogu adeego shacabka.

Dhanka kale, ShacabkaTaleex ayaa si weyn u soo dhoweysey dhismaha waddo laami ah oo isku xiraysa Taleex iyo laamiga gobolada Waqooyi uga baxa Garoowe taasi oo uu horay u dhagax dhigay Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, taas oo uu dhismeheeda balan-qaaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.