VIDEO: Maxay tahay ujeedada Safarka Madaxweyne Biixi ee Jabuuti ?

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar ugu baxay dalka Jabuuti.

Safarkan Madaxweyne Biixi ee Jabuuti ayaa qaadan doona muddo kooban, waxaana la sheegay in ujeedadiisu ay tahay xoojinta xiriirka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya ee Maamulka Somaliland iyo Jabuuti.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu u yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ismaaciil Cumar Geelle, ayna ka wada-hadli doonaan sidii loo sii amba qaadi lahaa wada-hadalada DFS iyo Somaliland.

Madaxweynaha Somalind ayaa la filayaa in kolka uu gaaro Jabuuti uu si toos ah ugu gudbi doono Madaxtooyadda, halkaas oo uu kulan kula yeelanayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.