VIDEO: Punland oo ku dhawaaqay inuu Ayax wax-yeelayay Degaano badan

Shir jaraa’id oo uu maanta Badhan ku qabtay Wasiiru Dawlaha Wasaarada Deegaanka ,Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Puntland C/rashiid Cali Geele Ayaa waxaa uu kaga Warbixiyey Ayax ku Habsaday Deegaano ka Tirsan Goboladda Sanaag iyo Bari.

Wasiir C/rashiid Cali Geele ayaa sheegay in dhibaatooyin ba’an uu u geystay Degaano badan iyo Dhul beeraley ah, isagoona tibaaxay inay socdaan dadaalo ay wadaan Kooxo ay Dowladdu dirtay oo kaashanaya Dadka Degaanka.

Ugu dambeyntii, Wasiiru Dawlaha Wasaarada Deegaanka ,Beeraha iyo Isbedelka Cimiladda Puntland C/rashiid Cali Geele ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay u istaagaan siday uga taageeri lahaayeen Dowladda inb Ayaxa laga kiciyo Dhulka uu ku habsaday.