Video:-Wararkii ugu danbeeyay ee rabashadaha South Africa

Ururka midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan uu sida ugu adag ugu cambaareynayo waxay uu ururku ku tilmaamay “falalka nacaybka ah”.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ergay u diray Koonfur Afrika uu ugu sharraxo “carada ay Nigeria ka qaadday sida loola dhaqmay muwaadiniinteeda”.

Bayaan ay soo saartay safaaradda Nigeria ee Koonfur Afrika ayaa xaaladda loogu qeexay mid la mid ah dal aysan dowlad ka jirin.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in xarumo ganacsi oo ay leeyihiin dad reer Nigeria ah si gaar ah loogu bartilmaameedsaday magaalada Johannesburg, iyadoo dadka u dhashay Nigeria loogu baaqay inay tabiyaan wax walba oo loo geysto.

Safaaradda Itoobiya ee ku taalla Koonfur Afrika ayaa Iyana muwaadiniinta dalkeeda kula talisay inay albaabada isugu dhuftaan meheradahooda ganacsiga, ayna ka fogaadaan meelaha uu qalalaasaha ka jiro.

Dhanka kale, wasaaradda gaadiidka ee Zimbabwe ayaa darawaliin baabuurta xamuulka ee u dashay waddankeeda ka dalbatay inaysan u safrin Koonfur Afrika, ilaa inta ay xaaladdu ka hagaageyso,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka