AFRICOM oo War kasoo saaray duqeyn ka dhacday Jilib

War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen maalintii shalay aheyd duleedka degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe.

War uu soo saaray Talisku ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay xubin ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana duqeynta aysan waxyeelo ka soo gaarin dad rayid ah.

Lama sheegin magaca shaqsiga lagu dilay bartilmaameedka weerarka ka dhacay duleedka degmada Jilib.