Dowladda Soomaaliya oo iska diiday dalabkii Kenya

Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u dalbatay in la hakiyo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee kala dhaxeya Soomaaliya,hayeeshee waxaa arrintaasi ganafka ku dhuftay oo diiday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kenya ayaa codsigeeda qiil uga dhigtay inay dooneyso in la siiyo waqti ay ku qoroto qareeno cusub,waxaana dad badan aaminsan yihiin in Kenya dalabkaasi uu ku dhaliyay kalsooni la’aan ka heysata inay dacwasdaasi ku guuleysato.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Kheyr oo ka hadlayay Kulanka golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay in wacwadaas ay Maxkamada ICJ ay hortaalo in ka badan Shan sano,isla markaana dowladda Soomaaliya aysan aqbaleyn Codsiga Dowladda Kenya.

Waxaa uu sheegay In Dowladda Somalia ay ku kalsoon tahay qaadista dacwada Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya,isla markaana uu rajeynayo in Soomaaliya ay guul ka keento qaadista Kiiska Dacwada oo la qorsheeyay inay dhacdo Isniinta soo socota.

Dacwaddan la xiriirta muranka dhanka xuduudda badda ayaa soo jiitameysay in ka badan 10 sano, balse dowladdii madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July ee 2016-kii, maxkamadda ICJ geysay kiis ka dhan ahaa Kenya oo dooneysa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dhiririyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo,waxaana Baaxadda uu ku fadhiyo badda lagu muransan yahay uu gaarayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.