VIDEO: Axmed Karaash oo Xarigga ka jaray xarunta Dhallinyarada Tilmaame (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarigga ka jaray xarunta dhallinyarada iyo cilmi baadhista ee Tilmaame, taas oo laga hirgeliyey dhismaheeda magaalada Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, saraakiil ka socda Hay’adda UNFPA iyo Wakiil ka socda Dowladda Finland ayaa mid mid u galay qaybaha kala duwan ee xaruntu ka kooban tahay, waxaana xaruntan loo dhisay in dhallinyarada loogu qareemo, sida la talinta caafimaadka, farsamada gacanta, akhriska, shaqo abuurka, wacyigelinta iyo arrimo kale oo muhiim u ah dhallinyarada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo xarigga ka jaray xaruntan cusub ayaa u mahadceliyey cidkasta oo gacan ka gaysatay dhismahan dhallinyarada Puntland loogu adeegayo, gaar ahaanna Wasasaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo gacan ka helaysa Hay’adda UNFPA.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku booriyey Wasaaradda iyo Hay’addaha ka qayb qaatay dhismeheeda in xarumahan oo kale ay ka hirgeliyaan magaalooyinka kale ee Puntland, si dhallinyarada Puntland meelkasta oo ay dalka ka joogaan u helaan fursaddan oo kale.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku dheeraaday muhiimadda dhallinyaradu u leeyihiin waddankooda iyo dib u dhiskiisa, waxaana uu kula dar-daarmay inay doorkooda ka qaataan dedaalada horumarineed ee socda, isagoo sheegay in dowladda Puntland ay ka go’an tahay inay gacansiiso.