Shirweynihii dib u heshiisiinta Galmudug oo mar kale dib u dhacay

Shirweynihii dib u heshiisiinta Galmudug ee loo balansanaa maanta oo Arbaco ah inuu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa la sheegay in dib u dhac uu ku yimid.

Lama oga sababta kaliftay inuu dib u dhaco Shirkan, waxaana inta badan ergooyinka ka qeyb galaya shirka ay ku sugan yihiin Dhuusa-mareeb.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa la filayay inuu furo Shirweynahan.

Saddex jeer  oo hore ayuu shirka dib u dhac ugu yimid sababo la xiriiray tabasho ay qabeen beelaha iyo shuruudo ay ku xireen shirka, hase ahaatee tabashooyinkii beelaha qaarkood ayaa la xaliyay.

Wararka ayaa sheegaya in Shirkan uu dib ugu dhacay sababo la xariira, Shirweynaha Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug uga socda Beesha Haba-gidir, kaas oo berri lasoo gaba-gabeynayo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in shirku furmi doono 4-ta bishan oo ku beegan maanta, waana markii labaad oo wasaaradda ay iclaamiso shirkan waqtiga uu furmayo oo dib u dhaco, halka labada jeer kale ee uu baaqday shirka uu ku dhawaaqay Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta.