Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta dhexe ee Telefishinka Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xariga ka jaray qaybo Cusub oo lagu soo kordhiyay Warbaahinta Dowlada Jubbaland gaar ahaan Telefishinka isagoo bogaadiyay shaqada adag ee ay hayaan howlwadeenada oo uu sheegay in ay saldhig u yihiin wacyi galinta Bulshada.