VIDEO: Khamri iyo Xashiishad lagu qabtay Magaalada Boosaaso

Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa horgeeyay Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobalka Bari dad lagu soo qabqabtay furashada Moobilada iyo kuwo lagu soo qabtay Maandoriyasha Khamriga Iyo Xashiishka, Maxkamadda ayaana ku riday Xukuno kala duwan.

Taliyaha Qeybta Gobalka Bari G/Sare Xussen Cali Maxamuud, Ayaa sheegay in mar walba u tagan yihiin inay cirib tiraan Mandoriyaasha, Isagoo sidoo kale Baaq u diray Waliidka Caruurtodu ay Dadka ka furaan mobilada.