Video:-Ra’isalwasaaraha Uk oo dalbaday doorasho Baarlamaan oo deg-deg ah

Ra’iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa dalbaday doorasho baarlamaan oo waqtigeeda laga soo hormariyo, taasi oo dhici doonta 15-ka October.

Johnson ayaa dalabkan doorashada deg degga ah waxa uu maanta ka hor jeeediyey baarlamanka, maalin kadib markii ay xildhibaannada dusha u saareen guul-darro taariikhi ah, ayaga oo diiday in Britain ay heshiis la’aan ka baxdo Midowga Yurub.

“Dowladdan waxay dalkan ka saari doontaa Midowga Yurub 31-ka October, waxaana na hortaagan hal shey oo kaliya, oo ah sharciga is-dhiibitaanka ee uu soo jeediyey hoggaamiyaha mucaaradka” ayuu yiri Johnson.

Johnson ayaa sheegay in codbixintii shalay ay siineyso hal ikhtiyaar oo kaliya, kaasi oo ah doorasho soo hormarta.

Waxa uu sheegay in hanjabaaddiisa ah inuu Britain ka saarayo Midowga Yurub heshiis la’aan 31-ka October, ay 27-ka dal ee kale ee xubnaha ka ah ururka ku qasbeyso inay ogolaadaan heshiis ay doorbideyso Britain.

Xildhibaanadda mucaaradka ayaa la filayaa inay maanta baarlamanka horgeeyaan sharci mar kale dib u dhigaya ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, si heshiis looga gaaro xeerarka lagu kala tagayo.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka