Jubbaland oo guddi u saartay xariga Wasiir Janan (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Xukuumada Jubbaland.

Ugu horayn Waxaa golahu uu tageeray dadaalka Wasaarada Arimaha gudaha ee ay xalka kaga gaartay tabashooyinkii ka dhashay Doorashooyinkii Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ee dhawaan dhacay iyagoo soo dhaweeyay in wax walba oo tabashooyinka ah lagu xaliyo Sharciga iyo Hay’adaha Dowliga ah dhexdooda.

Dhinaca kale waxaa golahu uu cambaareeyay xadhiga Sharci darada ah ee Dowlada Federaalka ah ay kula kacday Wasiirka Amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur iyadoo bilo kahor ay Maxkamada Gobolka Banaadir ay sheegtay in la laalay dacwadii ka taalay waxaa golahu uu sheegay in cawaaqibka ka dhasha Falkaas sharciga ka fog ay masuuliyadiisa qaadayso Dowlada Federaalka ah.

Waxaa kale oo golahu uu ka hadlay Xayiraada dhinaca duulimaadyada shacabka ah ee Dowlada Federaalku kusoo rogtay dadka ree Jubbaland waxaana howshaas iyo xariga wasiirka Amniga loo Xil saaray gudi ka kooban Todobo Wasaaradood iyadoo gudigan la faray in ay xal rasmi ah ay yimaadaan oo culayska lagaga qaadayo dadka shacabka ah.