Madaxweyne Deni oo xaaladiisa caafimaad laga deyrinayo

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa la sheegay inuu la il-daran yahay xanuun soo wajahay bilihii ugu dambeeyay.

Madaxweyne Deni oo haatan safar dibedda ah dalka uga maqan, ayaa la wararku sheegayaan in lagu dabiibayo Isbitaal caalami ah, kaas oo aan la shaacin magaciisa iyo halka uu ku yaallo.

Warar ayaa tilmaamaya in Madaxweynuhu uu ka fariisan waayay muddooyinkii ugu dambeeyay dhabarka, waxaana la sheegay in safaradiisii ugu dambeeyay Madaxweynaha ay qeyb ka ahaayeen dabiib caafimaad oo uu dalka dibeddiisa uu raadsanayay.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Dowladda Puntland oo ku saabsan xaalada caafimaad ee Madaxweyne Deni, taas oo saacidihii ugu dambeeyay laga deyrinayay.

Wixii Kasoo Kordha kala Soco Idil News