VIDEO: Puntland “Ayuxu 1-kii KM wuxuu cunayaa 100-ton oo Geedo ah”

Wasiirka Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland Ismaaciil Diiriywe Gamacdiid, oo Shir Jaraa’id kyu qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Ayax ku habsaday Degaano ka tirsan Gobalada Sanaag, Bari, Sool iyo Nugaal, isagoona ku dhawaaqay in si loo baahan yahay Gurmad deg deg ah.

Wasiir Gamacdiid ayaa sheegay in Ayuxu uu markii hore ku degay Degaano katirsan Gobalada Bari iyo Sanaag, balse haatan uu soo gudbay Gobalada Nugaal iyo Sool, waxaana uu tilmaamay in 1-kii KM uu cunayo 100-ton oo Geedo ah.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Degaanka Puntland ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland, Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Caalamiga ah inay ka qeyb-qaataan kicinta Ayaxan oo ah mid dhibaato badan u geysanaya Degaanka.

Dhanka kale, Maareeyaha Hay’adda Musiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa ku dhawaaqay in xaaladu ay tahay midan la sahlan Karin, isagoona u soo bandhigay Shacab habab la isaga kicin karro.