VIDEO: Puntland “Somaliland iyo Al-Shabaab waxay duulaan kusoo yihiin Badhan”

Taliyaha guud ee ciidamada Daraawiish-ta Dowladda Puntland S/Gaas Yaasiiin Cumar Dheere, ayaa markii u horraysay todobaadkan socdaal ku tegay Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Gen. Yaasiin oo khudbad u jeediyay cutubyo ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa sheegay in Somaliland iyo Al-shabaab oo is-bahaystay ay doonayan in ay dagaal ku soo qaadan degmada Badhan iyo degaaannada kale ee Gobolka Sanaag si ay u dhibaateeyan shacabka Puntland.

S/Gaas Yaasiin Cumar, ayaa Ciidamada ku amray inay u diyaar-garooban difaaca gobolka iyo ilaalinta shacabka, maadaama sida uu sheegay ay Somaliland doonayso in ay dagaal ku qabsato gobolka Sanaag.